Sawiro:-Jaaliyada Puntland ee Siyaala washinton oo xaflad soo dhaweyn ah u samaysay Jeneral Ereg

Jaaliyada Puntland ee magaalada Siyaala Washinton ee cariga Maraykanka ayaa uqabatay xaflad soo dhaweyn iyo sagootin iskugu jirta Talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg oo maalmahan joogay halkaas.
 
Xafladan oo si qurux badan loosoo agaasimay,ayaa waxaa kasoo qaybgalay guud ahaan jaaliyada Puntland ee Siyaala washinton.
 
Nuune Diiriye Dhagaweyne Gudoomiyaha jaaliyada Puntland ee Siyaala washinton oo soo abaabulay xaflada ayaa maadsha ka jeediyay khudbad ku aadanayd soo dhaweynta talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg,sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay oo hadalo qiimo leh ka jeediyay haldoor tiro badan oo jaaliyada ka tirsan.
 
Jeneral Ereg Talyaha Booliska Puntland oo ugu danbayntii ka hadlay xaflada ayaa si weyn ugu mahadnaqay jaaliyada iyo soo dhaweyntooda aadka u saraysa ee ay usameeyeen,sidoo kale Talye Ereg waxuu jaaliyada xog ka siiyay xaalka Puntland gaar ahaan dhanka amaanka iyo guulihii ugu danbeeyay ee laga gaaray la dagaalanka argagixisada.
 
Isku soo wada duuboo xaflada ayaa habeenkii xalay ahaa kusoo gabagabowday si qurux badan.