Dhagayso:-Alshabaab oo markale weeraray Mukhtaar Rooboow iyo ciidankiisii

Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kale maanta ku qaadeen saldhigga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib dagaalkii dhacay subaxnimadii Arbacada ee dib loogu soo rixay Al-Shabaab.

Weerarkan cusub ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey markii Al-Shabaab ay maleeshiyo badan keeneen deegaankaasi, kuwaasi oo la sheegay inay qayb ka yihiin weerarkan.

Dagaalladii dhacay maalintii Arbacada ayaa la sheegay inay ku dhinteen 19 qof oo ka tirsan labada dhinac.

Jaamac Buulle oo ka tirsan laanta afka somaliga ee VOA,ayaa ka wareystay Wasiirka amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed,hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan