Video:-Madaxweyne Faroole oo Kismaayo siw eyn loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynahii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
 
Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu ku yimid Magaalada Kismaayo oo uu xusay in ay tahay mid rasmi ah isla markana uu inta uu joogo wakhti la qaadan doono bulshada Magaalada oo uu sheegay in mudo ay ugu danbaysay.
 
Madaxweynahu wuxuu sheegay in Senatorku uu kamid ahaa dadkii qaybta muhiimka ah ka qaatay dhismaha Jubbaland isla markana Dowlada iyo Shacabkuba ay abaal uga hayaan ugana mahad celinayaan sidii uu garabka walalnimo ugu muujiyay wakhti ay u baahnayeen.,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daaawo muuqaalka