Video:-Xiliga Furashada Axsaabta Siyaasada Puntland oo labo bilood oo kale lagu daray

Gudiga Doorashada Kmg ah ee Puntland ayaa maanta garowe kaga dhawaaqay mudo kordhin ay ku sameeyeen xiliga la furan karo Axsaabta Siyaasada,kuwaasoo mudadii horay loogu qabtay ay gabaabsi ahayd.

Gudoomiyaha Gudigaas Caaqil Shuuqe oo Saxaafada kula hadlay xarunta PDRC ee Garowe ayaa sheegay in labo bilood oo dheeriya lagu daray xiliga furshada Axsaabta Siyaasada,isla markaana hoos loo dhigay lacagta diiwaangalinta Axsaabta,sidoo kale Caaqil Shuuqe ayaa ku booriyay Siyaasiyiinta Puntland in ay ku dhiiradaan furashada Axsaabta,waxuuna intaa kusii daray  in ay kala labo tahay Dawlada Madaxweyne Gaas ee xiligeedu gabaabsiga yahay iyo hirgalinta Nidaamka Axsaabta badan ee Puntland.

Ilaa iyo hada majirto hal Xisbi Siyaasadeed oo isa soo diiwaan galiyay ama Siyaasi si cad ugu soo dhiiraday in uu furto Xisbi,iyadoo ay muuqato niyad jab weyn oo ay bulshada qaybaheedu u hayaan Nidaamkan.

Madaxweyne Gaas ayaa xiligii la doortay waxuu si cad u sheegay in gushiisa dawladeed ay tahay isagoo hirgaliya Nidaamka Axsaabta badan,balse waxaa muuqata in uu ku guul daraystay wakhtiguna ka dhamaanayo isagoon hirgalin,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Gudiga Kmg ah ee Doorashada Puntland.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka