Alshabaab oo xalay weerar ka geystay Gudaha Dalka Kenya

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday Degaanka Gaamba ee Ka tirsan Gobalka Taanariifa,waxaana Shabaabku ay Weerarkaasi la beegsadeen Xarumo Dowladda Kenya ku leedahay Degaaka Gaamba.

Khasaaraha ka dhashay Weerarkaas ayaan la ogeyn,waxaana maqan Isgaarsiinta Degaanka Gaamba.

Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Degaanka Gaamba ayaa imaanaya Xilli Ciidamada Kenya ay Duqeyn ka bilaabeen Keymaha Lamu oo Al-shabaab ay ku Xoogan yihiin.