Muqdisho:-Xoosh jibriil oo taageeray mawqifka Dawlad Goboleedyada ay kaga hor yimaadeen go’aanka D.Fadaraalka ee khilaafka Carabta

Wasiirka Dastuurka Fadaraalka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,ayaa sheegay in Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ay xaq u leeyihiin in ay soo faragliyaan siyaasada Arimaha Dibada ee Dalka markii ay jirto arin si mugweyn u saamaynaysa iyaga.

Xoosh Jibril oo waraysi siinayay Tv-ga Somali Caple ayaa hadalkiisa kusii daray in si guud siyaasada Arimaha Dibada ay masuul uga tahay Dawlada Fadaraalka,balse Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ay tahay in lakal tahsto arimaha iyaga sida xooga leh usaamaynaya

Inkastoo Xoosh Jibril uusan si toos ah afka ugu dhufan arinta muranka weyn dhalisay ee khilaafka Carabta hadana hadalkiisa ayaa u muuqda mid sood haweyn u haya faraglinta Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ay faragliyeen go’aanka ay Dawlada Fadaraalku ka qaadatay khilaafka Carabta ee sida dadban hiilka ugu nqoday Dawlada Qadar.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka