Hargaysa:-Daawo Heshiis khatar ku ah Qaranimada Somaliya oo ay wada galeen Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta Beesha Isaaq

Cali Khaliif Galayr oo waayahan danbe ku wareegaysanayay Hargaysa si uu heshiis ula galo Maamulka Hargaysa ee Beesha Isaaq ku adeegato,ayaa shalay saxaafada ka hor sheegay in ay wada gaareen isaga iyo maamulkaas heshiis rasmiya.
 
Waxaa iyaguna goobjoog ka ahaa shirka jaraa’id siyaasiyiin u dhahay beesha isaaq oo ay kamid ahaayeen Faysal Cali Waraabe iyo Sacad Cali Shire,kuwaasoo sheegay in ay heshiiskan la galeen Cali Khaliif Galayr.
 
Heshiiskan ayaa ka kooban 10 qodob oo dhamaantod khatar ku ah midnimada iyo jiritaanka Qaranka Somaliyed.
 
Cali Khaliif ayaa sanadihii udanbeeyay sheeganayay Madaxweynaha Khaatumo,isagoo wareegayay deegaanada ay degto Beeshiisu,halkaas ay dhawr jeer kusoo weerareen Ciidamada Maamulka Somaliland
 
Isku soo wada duuboo heshiiskan iyo tagida Cali ee Hargaysa waxay banaanka soo dhigtay qorshihiisii qarsoonaa ee uu waligii hoosta ka watay dad badana ku xamanayeen,sidoo kale waxay soo afjartay rajadiisii Siyaasadeed,taasoo ku gabagabowday taariikh foolxun oo ilhaamaysan.
 
 
Hoos ka daawo muqaalka heshiiska lagu shaaciyay.

 

Halkan ka daawo muuqaalka