Dhagayso:-Alshabaab oo sheegtay in ay dileen in ka badan 20-askari oo Jubaland ka tirsan

Ugu yaraan 7 asari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Buulo Guduud oo 30km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Gobolka ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay soo weerareen xeryaha milatariga ee Buulo Guduud iyaga oo adeegsanaya baabuur lasoo miidaamiyey.

Ururka Al-Shabab ayaa iyagu sheegtay inay qabsadeen xeradaasi isla markaana ay dileen 26 askari.

Af-hayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa dagaalkaas uga warmaya Laanta Afka Somaliga ee VOA,hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Afhayeenka Jubaland