Qarax xoog leh oo ka dhacay Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho

Wararka aan ka heleyno Duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dhacay qarax miino oo lala eegtay gaadiid dagaal ay la socdeen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid dagaal ah oo marayay Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana qaraxan uu ahaa mid si xoogan looga maqlay Ceelasha Biyaha iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw.

Sida aan Wararka ku helnay gaadiidkii lala eegtay qaraxa miino ayaa ka bad baaday, waxaana qaraxaasi waxeelo uu kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay sida laga soo xigtay masuul katirsan maamulka Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Qaraxyo miino ayaa inta badan lagu aasaa laamiga u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye. qaraxyadan ayaa inta badan waxa uu khasaaro kasoo gaaraa dadka shacabka ah ee degan aagaasi iyo waliba kuwa ku safra laamigaasi.