Dawladda Soomaaliya oo si cad u qiratay Dhiibidda Qalbi dhagax sharcina ku tilmaantay

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa mid loo maray sharciga.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qalbi Dhagax uu xiriir la lahaa ururka Al shabaab uuna ka tirsanaa ururuka Onlf.

Shirkan jaraa’id ayaa dabo socday kulan aan caadi ahayn oo uu yeesheen gollaha wasiirrada ee Soomaaliya.

War qoraal oo ka soo baxay dowladda ka dib kulankaasi ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhis ku howlanaa falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.

”Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab”, ayaa lagu yiri dhambaalka ka soo baxay dowladda.

Wasiir Yarisow wuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalaha, balse dhiibitaankiisa ayuu ku sheegay in ay u daliishadeen heshiisyo hore uuna u dhacay si waafaqsan sharciga dalka Soomaaliya.