Video:-24 ku naf wayday dab ka kacay dugsi Quraan Dalka Malaysiya

Ugu yaraan 25 ruux oo arday iyo macalimiin ay ka mid yihiin ayaa ku dhintay dab ka kacay madariso islaami ah oo lagu hoydo oo ku taalla caasimmada Maalaysia ee Kuala Lumper.
Dabka oo ka kacay xarun lagu barto laguna xifdiyo Qur’aanka kariimka oo lagu magacaabo Ittifaqiyah ayaa kacay aroortii hore ee saakay.
Tirada dhimashada ee la xaqiijiyay ayaa ah 23 arday iyo laba waardiye, Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa u sheegay sidaasi wakaalaada wararka ee AFP.
Waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa sheegtay in gawaarida dab-damiska ay gaareen goobta daqiiqado gudahooda.
7 qof ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen, waxaana lasoo samatabixiyay 11 qof oo kale.

Waxaa la baarayaa sababta dhalisay inuu dab ka kaco iskuulkan. Ardaydaan ayaanan da’dooda wali la shaacinin
Ardayda ayaa waxka barta xarumaha noocaan oo kale oo loo yaqaano iskuulada barashada Qur’aanka kariimka iyo xifdintiisa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka