Video:-WASAARADDA GANACSIGA IYO WARSHADAHA PUNTLAND OO XAFIISKA TAYADHOWRKA KA FURTAY DEKEDDA MAGAALADA BOSASO

Dekedda magaalada Bosaso ayaa si toos ah looga daah-furay  xafiiska taya dhowrka Badeecada soo gala dalka iyo kuwa ka dhoofaba .

Daah-furka xafiiskan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland ayaa waxaa daah-furay wasiirka dekedaha iyo gaadsiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay agaasimaha waaxda taya dhowrka Puntland ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Mudane Salaad Sadan Maxamed waxaana uu sheegay ganacsatada wax la soo degaysa iyo kuwa dhoofinaya ay iska ilaaliyaan in ay dalka keenaan alaab dhacday ayna ka dhoofiyaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka