Video:-Dhalinyaro Garowe Ka Bilaabay Olalaha Waan Awoodna

Olalahan oo si Iskooda ay isugu xil qaameen Dhalinyarada Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa si wanaagsan oga socda Halkaasi, iyagona Howlo Kala duwan Qabta,

Howlaha samafalka ah ee ilaa hadda u qabsoomay waxaa kamid ah Nadiifinta Magaalada, oo ay ka hortagayaan Cuduro ka dhalan kara Roobabkii dhawaan ka da’ay halkaasi,

Umulkheyr Axmed Cawad Oo Ah Hormuudka Dhalinyaradan ayaa uga warantay saxaafada waxyaabaha ilaa iyo hadda u qabsoomay, iyadoona baaq u dirtay Dhalinyarada kale ee Magaalooyinka Puntland,

Waxey sheegtay in waxyaabihii ku dhaliyay Qorshahan ay aheyd fikir ay muddo ku haminaysay, islamarkaana ay dhalinyarada magaalada ku gacansiiyaan sidii loo hirgalin lahaa Barnaamijkan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka