Ciidamada Difaaca Puntland Ee PSF oo war kasoo saaray weerarkii kayntaroolka Bosaso

Xilli hore oo saaka ah, waxaa weerar ku soo qaaday Koontaroolka magaalada Bosaso maleeshiyo ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab. Ciidamada booliska Puntland ayaa si geesinimo leh iskaga difaacay Weerarkan fulaynimada ah ee ururka argagixisada Al Shabaab ku soo qaadeen Koontaroolka Bosaso, waxaana ku dhintay weerarkan dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan Booliska Puntland.
Al Shabaab waxay si cadowtinimo leh u xalaalaysteen dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay tacsi u dirayaan dhamaan ciidamada Puntland iyo qoysaskii iyo qaraabadii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkan argagixisanimo; Waxaana ka go’an ciidanka #PSF la dagaalanka kooxda argagixisada Al Shabaab.

#PuntlandGuul #PSFGuul

Early this morning, Al Shabaab attacked a checkpoint in Bosaso and attempted to capture it. Doing the cowardly attack Al Shabaab killed several civilians and Puntland police before being driven out.
Al Shabaab claims to care for civilians, yet they will not hesitate to spill innocent blood.

The government of Puntland and PSF sends it’s condolence to those affected by this heinous act and will continue to combat Al Shabaab no matter where they appear.

#PuntlandGuul #PSFGuul