DP World Oo Maanta Toos ula wareegtay Dekeda Bosaso

Dawladda Puntland ayaa goor dhaw wareejisay dekedda magaalada Boosaaso, waxaana lagu wareejiyey Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee lagu magacaabo P & O oo qeybka ah shirkada weyn ee DP WORLD.
 
Xafladda waxaa ka soo qeyb galay mamaulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, nabadoono, ganacsato, dhalinyaro, madaxda shirkadda DP WORLD iyo marti shataf kale.