Hogaamiyayaasha caalamka qaarkood oo dhanbaalo Tacsi ah kasoo diray masiibadii Soobe

Tan iyo intii ay dhacday masiibadii Soobe ee Muqdisho,waxaa is asoo taraya canbaaraynta ka imaanysa beesha caalamka.

 

Hadaba ilaa iyo hada waxaa dhambaallo tacsi ah kasoo diray masiibadaas ay ku naf waayeen in ka badan 250-qof ee ka dhacday isgosyka Soobe ee magaalada Muqdisho hogaamiyaal dhawr ah,kuwaasoo kala ah:-

Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Jabuti,Yoweri Museveni Madaxweynaha Uganda,Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdi Casiis, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Binu Salmaan, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan.