Daalibaan oo weerar ku dishay 43 askari

Wasaaradda gaashnaadhigga Afghanistan ayaa sheegtay in ugu yaraan 43 askari la dilay kadib markii Daalibaan ay maanta weerar ku qaadeen saldhiga milatari oo ku yaalla koonfurta dalkaas.

Sagaal askari oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkan saaka aroortii lagu qaaday saldhigga ku yaalla gobolka Kandahar, ayada oo lix kale la la’ yahay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 10 dagaalyahan oo Daalibaan ah la dilay.

Bayaan ay soo saareen oo ay ku sheegtay mas’uuliyadda, ayey Daalibaanka waxay ku sheegeen in 60 askari ay ku dileen weerarka.

Weerarka ayaa ka billowday qarax baabuur oo ismiidaamin ah, waxaana xigay dabley ku xoomay saldhigga.

Waa weerarkii saddexaad oo dhimasho badan oo Daalibaan ay ku qaadaan saldhig ay leeyihiin ciidamada ammaanka toddobaadkan.

Ugu yaraan 52 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla magaalada bari ee Gardez, taaladadii, ayada oo weerar kaas la mid ahna isla maalintaas lagu qaaday gobolka koonfureed ee Ghazni.