Dawlada Soomaaliya oo soo bandhigtay macluumaad saabsan qasaaraha Qaraxii Zoobe.

Dawlada soomaaliya oo soo bandhigtay macluumaad saabsan qasaaraha qaraxii zoobe.
Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay macluumaad ku saabsan Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe.
Goobta waxaa tagay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka.
Wasiirka Amniga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu hayo dad lala xiriirinayo Qaraxa, sidoo kalena uu socdo baaritaan.
Wasiir Yariisow oo soo bandhigay xogta Qaraxa ayaa sheegay qaraxa guud ahaan inuu waxyeeleeyay 642 qof, dhimashaduna ay tahay 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 qof.
Wasiir Yariisow ayaa sheegay dadka lagu la yahay nolol iyo geeri in ay yihiin 56 qof, inta dibadda loo qaadayna ay gaarayaan 122 qof.
Sidoo kale wuxuu sheegay Eng. Yariisow in guryahooda lagu celiyay 99 qof, halka Isbitaaladana ay jiifaan 7  qof.