Talye xigeenkii Booliska Puntland Oo si kama ah rasaas ugu dhaawacmay

Shir looga hadlayay amniga caasimadda Garoowe oo ay ka qaybgaleen Wasiirka amniga Puntland, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha Booliiska Puntland,Talyaha la dagaalanka Argagixisada iyo Talye xigeenka Booliska,ayaa rasaasi ka dhacday.

Rasaasta dhacday,waxaa ku dhaawacmay Taliye xigeenka Booliiska Puntland Bile Faarax Cali waxayna xabadu ka haleeshay lugta,iyadoo dhaawaciisa lagu dabiibayo isbitaalka guud ee caasimada.

Rasaastaas uu ku dhaawcmay Talye Bile ayaa si lama filaan ah oo ogaansho la’aan ah waxay uga dhacday Buskoolad u xirnayd Talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg.

Shirka looga xaajoonayay amniga ayaa ahaa mid lagu dajinayay qorshaha amniga caasmada kaasoo ugu danbaynta laga soo saari lahaa qorshe dhamaystiran oo lagu xoojinayo amniga caasimada.

Laamaha amaanka Puntland kama aysan hadlin dhacdadan,sidoo kale xaalada caasimada ayaa caadi ah mana jiro wax isbadal ah oo ay ku keentay dhacdadan.