Video:-Madaxweyne Gaas Oo ka qaybgalay maalinta xoriyada Ee dalka Turkiga

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  gelinkii danbe 29 October 2017 safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho kaga qayb galay xafladda lagu maamuusayey maalinta xuriyadda dalkaasi oo ay kasoo wareegtey 94 sano kadib markii ay qateen xuriyaddooda  October 29 1923-dii.

Xuska xafladda sanadguurada 94-aad ee dalka Turkiga ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane. Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Axmed, Madaxweynaha Hir-shabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare, siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo marti sharaf kale.

Munaasibadda Xafladda lagu maamuusayey maalinta xuriyadda dalka Turkiga ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaana uu shacabka iyo dawladda Turkiga ugu hambalyeeyey sanad guurada  94-aad ee dalkaasi, isla markaana waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdooduba ugu mahad naqayaan dawladda Turkiga garab istaaga ay markasta garab taagan yihiin, gaar ahaan wakhtiyada adag, isagoona xusay in Turkiga iyo Soomaaliya yihiin labo dal oo walaalo ah.

Safiirka Dalka Turkiga Mr. Oglan Bekar ayaa dhankiisa uga mahadnaqay Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ee kasoo qayb galka xafladdani lagu maamuusayey sanadguurada 94-aad ee dalkaasi Turkiga, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dadkii ku wax yeeloobey qaraxii maalinimadii shalay 28 October 2017 cadawgoodu ku waxyeeleeyay, isagoona cadeeyey in dalka Turkiga iyo DFS iska kaashan doonaan wax kasta oo lagu horumarinayo xidhiidhka labada dal,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka