Video:-Gudiga Xuquuqul insaanka Fadaraalka Oo gaaray Kismaayo

Xubno kasocday Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Dowlada federaalka soomaaliya oo sedexdii maalmood ee udanbeeyay kusugnaa magaalada kismaayo ayaa Wasaarada haweenka jubbaland waxay iska kaashanayaan xog uruurin ku saaabsan heshiiskii Qaramada Midoobey ay la gashay Dowlada Fadaraalka soomaaliya bilowgii kii sanadii 2015-kii kaasoo ku saabsanaa dhawrista xaquuqda caruurta

Gudigaan isku dhafka ah ayaa maanta shaqadoodii ka bilaabay Magaalada kismaayo iyagoona booqday xarun lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka ah iyo kuwa danyarta ah ee Waamo Children Care ama xarunta xanaaneynta caruurta ee Waamo.
 
Caruurtan ayay gudigan la yeesheen xog waraysi ku saabsan noloshooda iyo tacadiyada ay kala kulmaan bulshada dhexdeeda.
 
Ugu dambeyn waxaa saxaafada lahadlay agaasimaha Wasarada Haweenka Jubbaland isagoo sheegay in ay muhiim tahay bulshada somaliyed gaar ahaan caruurta. ku dhaqan Magaalada Kismaayo in ay la ilalaiyo xuquuqdooda.
.
Cabdi Shakuur Xabiib Xaayir lataliyaha Wasarada Haweenka iyo xuquuqul insaanka oo madasha goobjoog ka ahaa ,ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta ay kala kulmeen Wasaarada Hawenka Jubbaland.hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka