Video:-Daawo Gudoomiyaha cusub Ee Degmada Bursaalax Oo xilkii la wareegay

Gudoomiyaha cusub ee degmada Bursaalax mudane Maxamed Saleebaan Diiriye ayaa maanta si ballaaaran loogu soo dhaweeyay Degmada Bursaalax.
 
Gudoomiyaha cusub ayaa 27kii oktoober waxaa xilka u magacaabay madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
 
Waxaana soo dhawaynta Maxamed Saleebaan ka qayb qaatay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Bursaalax sida Aqoonyahanada, Waxgaradka, Nabadoonada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Gudiyada xaafadaha Degmada Bursaalax.
 
Shacabka Degmada Bursaalax ayaa usoo dhaweeyey maanta Gudoomiyahooda si heer sare ah oo aan horay loo arag, iyagoo aan u kala harin oo si wadajir ah usoo dhaweeyey.
 
Munaasabadda xil la wareegista Gudoomiyaha
 
Munaasabadda xil la wareegista Gudoomiyaha cusub ayaa isla maanta waxay ka dhacday magaalada Bursaalax, iyadoo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin uu hogaaminayey Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudane xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow), ayna ka mid ahaayeen madxadii kasoo qayb gashay munaasabadda uu xilka kula wareegay Gudoomiye Maxamed saleebaan Gudoomiyaha Degmada Galdogob, Isku duwayaasha wasaaradaha Arimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Deegaanka iyoTaliska Ciidanka Booliska Gobolka Mudug.
 
Gudoomiyaha Cusub ayaa Xilka Degmada kala wareegay Gudoomiyaha Degmada Galdogob Xasan Faarax Ayaxle, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax badan.
 
Gudoomiyaha cusub degmada Bursaalax ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray inuu ka shaqaynayo horumarinta Degmaga iyo midaynta shacabkeeda iyo inuu maamul wanaag ka samayn doono Degmada cusub ee Bursaalax.
 
ugu danbayntii Gobolka Mudug Mudane Gudoomiye Xasan Maxamed Khalif oo soo xiray munaasabadda ayaa Khudbad diiran oo isugu jirta dardaaran iyo bogaadin ka jeediyey munaasabadda, isagoo ugu dambayn u hambalyeey Maamulka Cusub iyo Shacabka Degmada Bursaalax,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka