Video:-Ra’isalwasaare xigeenka Fadaraalka iyo waftigii uu hogaaminayay Oo dalka dib ugu soo laabtay

Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada fadaraalka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khaddar iyo wafti ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Wasiir ku xigeenka  dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arimaha dibada oo mudo sadax cisho ku sugnaa magaalada Sharma shiikh  oo ay uga qeyb galayeen shirka dhalinyarada caalamka oo sanadkan ay marti galisay dowlada masar ayaa dalka dib ugu laabtay.

Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada fedaraalka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan-cade muqdisho,ayaa marka hore u mahad celiyay safaaradda soomaaliya ee Dalka Masar, Khadar ayaa ka warbixiyay kulamadii uu la yeeshay Madaxweynaha Masar C.fitaax Siisi iyo Ra’isul wasaaraha Masar Sharif Ismaaciil Maxamed intii uu ku sugnaa magaalada Sharma shIikh,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka