Tuugo si la Yaab leh u dhacay Bangi ku yaala dalka Hindiya .

Mombay : Tuugo xirfadoodu aad u sarayso ayaa dhulka hoostiisa kasoo qoday god dhererkiisu dhan yahay 8 mitir, kadibna u dhacay bangi, halkaas oo ay ka dhaceen lacag badan.

Bangigan oo ay dowladda hindiya leedahay ayaa lagu magacaabaa Baroda, wuxuuna ku yaalaa magaalada ganacsiga dalka hindiya ee Mombay.

Tuugada ayaa isticmaalay hab la mid ah sidii lagu jilay filimkii Hollywood-ka ee The Bank Job, kaas oo dhulka hoostiisa inta lasoo qodo, bangiga dhulka looga soo baxayo.

Booliiska Hindiya ayaa warbaahinta u sheegay in bangiga laga dhacay lacag iyo dahab badan, islamarkaasna ay baarayaan kiiskan.

Tuugada ayaa isticmaalay guri ku dhegan bangiga, halkaas oo ay dukaan ahaan u kireysteen, kadibna halkaas godka kasoo qodeen.

Waa hawl u baahan khibrad dheeraad ah, cabbir sax ah iyo waliba qorsheyn dheeraad ah.

Lama oga sida ay tuugada ugu suurto-gashay in ay godka qodaan muddo bilo ah iyaga oo aanan laga shakinin.

Tuugada ayaa dhacay 30 ka mid ah 225 sanduuq oo yaaley bangiga, halkaas oo ay lacago iyo dahab ku kaydsanaayeen.

Waxa ay u egtahay in tuugada ay isticmaalayeen qalab casri ah oo ay ku burburiyeen asaaska bangiga oo caadi ahaan loo dhiso si aad u adag oo loogu talogalay in aanan hooska looga soo dhicin sida ku cad shuruucda bangiga dhexe ee Hindiya.

Booliiska ayaa su’aalo weydiinaya mulkiilaha dukaankii ay kireysteen tuugada iyo mulkiilayaasha tukaamo meesha ku dhow.

Waxay noqotey dhacdo ka fajicisey dalka Hindiya oo dhan, islamarkaasina qabsatay bogaga hore ee warbaahinta dalkaas.