Raysalwaaare Xariiri oo ka laabtay is casilaadiisii .

Ra’iisulwasaaraha Lubnaan Sacad Xariiri ayaa si ku meelgaar ah uga laabtay is casilaaddiisii uu ku dhawaaqay isaga oo ku sugan Sacuudi Carabiya toddobaadyo ka hor.

Sacad Hariri ayaa sheegay in uu is casilaaddiisa uga laabtay codsiyo badan oo u yimi darteed hawshana uu sii wadayo si kumeel gaar ah inta laga samaynayo wadatashiyo xaalada dalka lubnaan

Madaxweynaha dalka lubnaan iyo raysalwasaare xariiri ayaa hada leh kulamo .

Sacad Xariiri ayaa diiday wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Sacuudi Carabiya ay ku qasabtay in uu is casilo ayna xirtay iyada oo isku dayaysa in ay yarayso saamaynta ay gobolka ku leedahay dalka Iiraan ee ay is hayaan.