UN : 3.3 milyan oo Soomali ah ayaa u baahnaan doona Kaalmo Degdeg ah sanadka soo socda.

QM iyo Hay’addaha Samafalku warbixin ay soo saareen ayay ku muujiyeen in ku-dhawaad 76 million oo qof oo ku nool 45 Waddan ay u baahnaan doonaan Gargaar sannadka soo socda.

Dalalka sida aadka ah looga deyriyey xaalkooda dhinaca Ammaanka Cuntada ayaa kala ah Somalia, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.

Warbixinta ayaa si gaar ah loogu sheegay in ku-dhawaad 3.3 million oo Somali ah u baahnaan doonaan Kaalmo Degdeg oo Naf-badbaadin ah sannadka soo socda.
Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka ee Somalia, Peter de Clercq ayaa sheegay in Abaaraha iyo Colaadaha ka sii socda Somalia ka dhigtay mid ay dadka badankooda ku tiirsanaadaan Gargaarka Caalamiga.

Waxa uu ugu baaqay Kooxaha Gargaarka inay kordhiyaan dadaalka ay ku taageerayaan Qorshaha Samafalka ee lagu taageerayo dadka Soomaalida ee baahida u qaba Gargaarka ee sanadka soo socda.