Haraadiga maraakiib horay ugu quustay dekeda muqdisho oo la soo saaray .(SAWIRO)

Shirkadda Al-Beyrak ee Maamusha Dekedda Muqdisho ayaa fulisay howl lagu hagaajinayo goobta ay kusoo xirtaan Maraakiibta oo laga soo saaray qalab ka haray maraakiib horey ugu quustay dekedda, si loo fududeeyo hanaanka shaqo ee dekedda magaalada Muqdisho.

Waxaa muuqanayey howlwadeenada Shirkadda Al-Beyrak oo ku howlan soo saarista Haraadiga Maraakiib ku quustay dekedda iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah oo loogu tala galay nadiifinta dekedda, waxaana ay ku guuleysteen in howsha oo bilow ah ay dibadda usoo saaraan qashin badan oo caqabad ku ahaa habsami u socodka howsha socota iyo soo xirashada maraakiibta kala duwan ee dekedda kusoo xiranaya.

Idilnews.com -Garoowe

SAWIRO