Shirkii looga hadli lahaa Shidaalka soomaaliya oo dib loo dhigay .

Dhinacayadii diyaarinayey shirkii shidaalka iyo Gaaska ee lagu waday in uu ka dhaco Nairobi bisha March ee sanadka soo socda ayaa baajiyay kadib markii ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen kala hadal iyo maamul xumo.

Qoraal soo baxay 10 December , ayaa lagu sheegay in shirkadaha Amsas iyo IRN ay baajiyeen shirkii Nairobi iyaga oo intaasi ku daray in ay qaban-qaabin-doonaan shirar kale haddii fursadda u helaan.

Warbixin kale oo bishii hore ay soo saareen International Research Networks (IRN) waxaa iyadana lagu eedeeyay dowladda federaalka ah oo iska fogeysay in ay wax ka og tahay ama tagi-doonto shirkaasi kadib markii ay horay u soo dhaweysay.

Wasiirka Batroolka & Macdanta Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad digniin ah uu u diray shirkadda IRN November 5, 2017 ku sheegay in wasaaraddiisa aaney arrintaasi la socon, qeybna ka aheen, tilaabadan oo ka hor imaaneysa warqad kale uu soo saaray wasiiru dowladaha federaalka ah Cabdullahi Xaamud Maxamed September 9, 2017 taas oo uu ku ammaanay shirkaasi IRN, sheegana in ay dowladda ka qeyb-galeyso.

Hadaba, Iyada oo shirkaasi maalgelinta shidaalka iyo Gaas-ka Soomaaliya ee Nairobi la baajiyay ayaa waxaa jirta in xilligan saraakiil ka tirsan wasaaradda Batroolka & Macdanta ay ku sugan yihiin magaalada Stavanger, Norway, magaaladan waa magaalada 3aad ee ugu weyn dalka Norway, waxaa ay dadka ugu yeeraan caasimadda shidaalka Yurub.

Saraakiisha waxaa ay halkaasi u joogaan barnaamij lagu taageerayo shidaalka Soomaaliya oo ay wado wasaaradda arrimaha dibadda ee Norway.

Abdirisak Jubba -Idilnews.com