Khatarta heshiiska DP WOLRD iyo faashilka Somaliland

Siyaasadi caadifad,caro,cuqdad iyo cassabiyad ku dhisan ma waarto, miro buurana ma dhasho. Marka ay tahay masiir iyo heeshiis sanado badan ahna, kabasii xun.
 
Heeshiis konton sano ahi, uma baahna deg-deg iyo in looga faa’idaysto meel heblaa diidan, iyada oo majaraha laga duwaayo doodii iyo wax iska waydiintii gudaha.
 
Heeshiisyada masiiriga ah ee kuwan la midka ah, muddo dheer ayaa wadda xaajoodkooda la wadaa, isha iyo baalkana si cilmiyeysan oo wadaniyadaysan looga guraa, sir iyo heer dibloomasiyadeedna waa lagu wadaa intuu bislaanayo si looga ilaaaliyo majaro habaw iyo in kooxi siyaasado gaar ah u adeegsato, maadaama wakhti dheer bulsho badan saamayn ku yeelanayo.
 
Heeshiiska saddex geesoodka ee DP (Imaaraadka), Itoobiya iyo maamulka Somaliland, su’aalo badan ayaa ku gadaaman oo u baahan iftiimin, balse hada u eg mid la siyaasadeeyey oo waji kale loo dhigay.
 
Waxaad moodaa in dhawaaqa Villa Somaliya uu madaxda Somaliland ugu hiiliyey in qorsheyaal badan oo heeshiiska ku duugan hore loo socod siiyo intaan waxba layska waydiin.
 
Siyaasad caafimaad qabta, ayaa abuurta dano caafimaad qaba oo dhankaste ah, Somaliland wax dan ahi uguma jirto dagaal dalal shisheeye (Proxy War).
 
 
Jibril Qoobey.