Puntland Oo soo gaba-gabeysay Howlgalkii Buuraha Galgala Ee gobalka Bari

Ciidanka Amniga Puntland ee “PSF” ayaa waxay soo Geba-gebeeyeen hawlgallo dagaal oo ka socda deegaano ku yaala duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ee Puntland.
 
Saraakiisha amaanka Puntland ayaa sheegay in howlgalkii socday (14-16 March 2018) islamarkaana ay ka wadeen deegaanada buuraleyda Dhagax-dhaabur,Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow.
 
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in hawlgalladan ay ku dileen 18 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab,sidoo kalane ay bur buriyeen Saldhigyo ay shabaab daganaayeen.
 
Ciidanka Puntland ayaa waxaa la sheegay in Maalin kasta ay howlgalo ka sameeyaan Qeybo ka mid ah gobalka Barri oo ku badan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
 
Al-Shabaab iyo Ciidamada Amaanka Puntland ayaa Dhowr jeer ku dagaalamay Buuraha calmadow ee gobalka Barri.