Madaxweyne Farmaajo Oo lagu dhaliilay ka aamusnaantiisa Mooshinada socda

Madaxweynaha dowlada fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo aamusnaan ka galay mooshinada iska soo horjeeda ee ka dhex taagan hay’adihii dowliga ahaa ee dalka.
 
Dad bbadan oo ay ku jiraan Xildhibaano,aqoonyahano iyo sidoo kale qaybaha bulshada ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha aamusnaantiisa aan dowga ahayn.
 
Waxaa loo arkay aamasunaantiisa mid muujinaysa jileec iyo saamayn la’aan hogaamineed,madaama uu yahay madaxii dalka ugu sareeyay ee u garniqi lahaa garabyada ishaya ee dowladiisa.
 
Goobaha lagu qaxweeyo baraha bulshada ay kuwada xiriiraan iyo saxaafada falanqaynaysay Mooshinada iyo xaalada taagan ayaa is waydiinya doorkii Madaxweynaha.
 
”Waxay ahayd in uu muujiyo doorkiisa la hadlo shacabka door muuqadana ka dhex qaato garabyada is haya xataa haduu si hoose qayb uga yahay mooshinka looga soo horjeedo Gudoomiye Jawaari”sidaa waxaa yiri mid kamid ah aqoonyahanada Somaliyed ee falanqeeya siyaasada dalka.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore ka aamusay qalalaase siyaasadeed ee uu dalka galay, sida dhiibiddii Qalbi Dhagax,weerarkii shabeelada hoose iyo wweeraradii guryaha siyaasiyiinta ee Muqdisho.
 
Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in xaalad kasta oo dalka in Madaxweynuhu og yahay, balse aanu ka hadal, taasna ay dad badan horay ugu dhaliileen Madaxweynaha in uusan ka hadlin xaaladaha khatarta leh ee markaas taagan.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xantaa Nin qabow,jilicsan codkar aan ahayn,go’aan qaadashadiisuna ay daahdo.