Caddow Cali Gees Oo Jawaab Ka Bixiyay Weeerarkii Lagu Qaaday Xafiiskiisa

Waqti badan waxan geliyay fal shalay oo bishu aheyd 19ki April 2018 ay ciidanka nabadsugidda ku weerareen xafiis aan ku lahaa dekedda Xamar maadaama aan waddanka ka maqanahay si aan xaqiiqda u ogaado.
 
Waxa ogaaday in weerarkaas uu dhab ahaa, haddaba *NISA* iyo cidi soo amartayba, iyagoo ogsoon inaan ahay xildhibaan qaran oo ayna jirin meel xasaanadi xildhibaanimo la igaaga qaaday ama haddaan sikale u dhigo falka noocaas oo kale ey suurtageli karto marka ay jirto fal dembiyeed uu markaa xildhibaanka uu gacanta kula jiro ama hoygiisa iyo xafiisyadiisa ay ka dhacayaan laakinse iyadoon intaaba jirin uu falkaa ee hab dhaqanka nidaamka dawladnimo ka fog lagula kacay xarunteydaas!
 
Inkastoo habdhaqankan uu nagu soo kordhay marki dawldan aan xildhibaanka ka ahay ay hawlgashay ayaa waxey tahay arrin aad uu welwlineyso qofkasta ay ku weyntahay sidi soomaaliya loogu soo celin lahaa nidaamka dawladnimo maadaama falalkan oo kale ay ahaayeen wixi qaranimadeeni dumiyay.
 
Mar aan sii fogeyn bey aheyd marki siyaasi gurigiisa si sharcidarro ah loo weeraray habeen madow askar aan wax galbsana lagu weeraray kadibna dhaawici la gestay caay loo raaciyay… waxa xigay maalin cad in senator gurigiisi la weeraray, reeekiisana la argagax geliyay, cid ka diimoon majirto weeraradi sharcidarrada ahaa ee dawlad goboleedyada qaar lagula kacay iyo qaarki sida hoose loo dibindaabyeeyay, haddaba, soomaaliya dhaqanki shalay burbiriyay laguma dhisi karo iyadoo mid ah leysugu heynwaayay…
 
Dhanka dawladda wax iga soo gaaray ineysan waxba ka ogeyn falka dhacay, baarisna ay ku hayaan wixi ka dambeeyay! Waa arrin beryahan ku soo korortay siyaasadda Soomaaliya, falka dawladda ma oga, ciidankana hawlgalkoodu rag tillmaaman buu baacsadaa…
 
Dawladnimo iyo dhaqankeed ma arko laakin dembiyadaa magaca dawladnimo lagu gelaayo mid nidaam dawli ah dhisi doonto uma eka mana leysaga daba hari doono, dadka rabana in soomaaliya kala tagto gicildooda qaldan ma moqon doonaan mid wax u dhinta in qaran soomali oo sharciga cidkasta ka sareeyo la dhiso hakiso..
 
Waabilaahi Towfiiq.
 
Xildhibaan Caddow Cali Gees