Qaramada Midoobey oo bogaadisay Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimha Soomaaliya Keating ayaa u hambalyeeyay wariyaasha Soomaaliyeed asigoo sheegay in ay ku shaqeeyaan mar xalad adag.

“Waxaan soo dhaweynayaa boqolaal saxafiyiin Soomaali ah oo Gudanaya waajibaadkooda shaqo oo ay dhici karto iney halis la kulmaan mararka qaar, Warbaahinta saxda ah ee madaxbannaan waa mid lagama maarmaan ah, waa habab muhiim ah oo lagu xoojiyo awoodda si loo xisaabtamo ayuu yiri Wakiilka.

Sidoo kale wakiilka ayaa yiri saxafada waa muhiim si ay u qabato shaqadooda waa in la soo afjaraa dhaqanka ciqaab la’aanta, Nasiib darro, dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta way sii fidayaan.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa diiwaan-galiyay xadgudubyada sii socda ee xuquuqda xorriyadda hadalka, oo ay ku jiraan xiritaanka ama hakinta 14 warbaahineed oo ku yaala Soomaaliya intii u dhaxaysay Agoosto 2016 ilaa Maarso 2018 iyo xarig aan sharciga waafaqsaneyn oo xabsi ku hayn 131 qof ah sababo la xariira xorriyadda hadalka ee isla mudadaas.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay xubnaha Baarlamaanka Federaalka in ay dib u bilaabaan wadahadalkooda ku aaddan dib-u-habeyn lagu sameeyay sharciga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee 2016-ka, isla markaana tixgelin siinayaan liiska wax ka badalka ee sharciga ee ay sanadkii hore u soo gudbiyeen ururada saxaafaddu.

UNSOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo saari doona warbixin guud  sanadkan aakhirkiisa oo faahfaahinaya xayiraadda sii socota ee ku aaddan xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya maaddaama ay si wadajir ah u baahiyeen warbixintii 2016 ee xuquuqda xorriyadda hadalka.

Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda, waxaa markii ugu horeysay lagu asteeyay shirkii guud ee Qaramada Midoobay bishii Diseembar 1993, kadib markii lagu soo jeediyay shirkii guud ee UNESCO. Wixii markaa ka dambeeyay maalinta 3 May, sanadguuro kastaa, waxaa la xusaa Cahdigii Windhoek ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida.