Dhagayso:-Muxuu ka yiri Agaasimhii sirdoonka Puntland xilka qaadista lagu sameeyay?

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta wareegto uu soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday agaasimayaashii hay’addaha sirdoonka Puntland ee PIA Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) iyo Agaasimaha Guud ee Hay’ada kale ee Amniga ee Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) aagaaismaha PIA ee xilka laga qaaday, ayaa ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyay isagoo waraysi siinaya idaacada Afka Somaliga ee VOA.hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka dhagayso codka Khaatumomaawi