Madaxweyne Farmaajo oo gaaray caasimada Itoobiya Adis-Ababa

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafti uu hogaaminaya ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa ka furmi doona shir ay yeelanayaan Madaxda wadamada ka tirsan Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo maalmo ka hor shirkaan si deg deg ah ku iclaamiyay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo ku aadan xaalada siyaasadeed ee wadanka Koofurta Suudaan.

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis-Ababa wuxuu si gooni gooni ah ula kulmi doonaan madaxda kale ee ka soo qeyb gali doono shirka IGAD.