Video:-Faysal Cali Waraabe”Dagaalkii Tukaraq waana looga adkaaday dhan walba,Media,Diblomaasiyad-ba”

Faysal Cali Waraabe oo maanta dib ugu soo laabtay Hargaysa,kadib maalmo uu ku maqnaa safar dibada ah,ayaa ujawaabay Muuse Biixi,isla markaana faahfaahin ka bixiyay kulankii dhexmaray isaga,Cali Khaliif iyo Madaxweyne Farmaajo.

Faysal oo ay hareeraha iyo gadaalba ka taagan yihiin beeshiisa Garxajis oo markii horaba ucaraysnayd Muuse iyo Jeegaanta,ayaa hadalo ad adag hawada umariyay Muuse..

”Waan la kulanay Farmaajo waxana kala hadalnay in uu joojiyo taageerada uusiiyo cabdiweli ee Daaroodiismka ah ,waana naga qanciyay oo ka dhaartay”ayuu yiri Faysal mar uu ka hadlayay kulankii isaga iyo Farmaajo..

Markale isagoo sii wada ka hadalka kulankaas ayuu yir”Waxaan Farmaajo ku heshiinay in uu fasaxo lacagta Somalialnd ay qayb ahaan uhelayso,sidoo kale dib ubilaabo wadaxaajoodkii Somaliland iyo Somaliya”.

Faysal mar uu ujawaabayay Muuse Biixi waxuu yiri”Madaxweynaheenu waa Nin jecel ficiltanka iyo goos goosashada,balse anigu la ficiltami mahayo oo dalkaa naga burburaya majirayso Somalialnd hadaan la ficiltamo”

Faysal intaa ugama harin Muuse ee waxuu yiri”7-bilood ka hor dalku halkee joogay ayaa mudan in lays waydiiyo,dalka waa lawada leeyahay hadaan lala imaan awood lagu hogaamiyana waa laga tashanayaa”.

Faysal markuu ka hadlayay dagaalka Tukaraq waxuu yiri”Dagaalkaas waa labo Nin oo bidaar leh oo hadana shanlo ku dagaalamaya,dagaalkii Media waa nalooga adkaaday iyo kii diblomaasiyada,Muuse hawshaas ayaa utaal”.

Isku soo wada duuboo hadalada Faysal mahan wax lala yaabo ama fajaciso ah ee waa wax iska caadi ah,sidoo kale la yaab kale noqonmaayo in la arko beri isagoo si kale uhadlaya,balse waxa soo jiidashada leh ayaa ah sida uu uga faa’idaystay carada beeshiisa,sidoo kale banaanka usoo dhigay in Muuse iyo Jeegaantiisu ayba Garxajis isaga kaliya ka hayeen..

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka