Madaxweyne Gaas oo qaabilay madax sare oo ka socota IGAD iyo Qaramada midoobey

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Mxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 July 2018 waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland kulanka uu la qaatay IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo horumarinta ree miyaga, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

kulankan ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafti ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah ee  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya ayaa waxaa looga ahadlay amniga guud ee gobolka, xaaladaha bina’aadanimo iyo siyaasada Soomalaiya.

Dr. Mohamed Guyo iyo Mr. Raisedon Zenenga  ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Dowldda Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa, isla mar’ahaantaana uga mahadnaqay soo dhowaynta iyo sida wanaagsan ee uu ugu qaabailay xafiiskiisa .

Dhinca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dowladnimo soomaaliyeed oo buxda kuna dhisan sinaan iyo  caddaalad, iyo sidii soomaaliya xaaladeeda guud ee amni wax badan looga badeli lahaa.

Sidoo kale wakiilka  gaarka ah ee  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga, ayaa dawaladda Puntland ku amaanay doorka iyo kaalinta  siyaasadeed ay ka qadatay nabada, xasilinta, isdhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara dhibaatadii dheereed ee ay soo martay Soomaaliya.

Ugu danbeyn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa beesha caalamka uga mahad celiyey dowrka muhiimka ah ee ay ka qaadato wax ka qabashada arimaha soomaaliya  gaar ahaaan amniga iyo siyaasada, sidoo kalena kulaa dar daarmay  inay sii xoojiyaan  wadada loo marayo sidii soomaaliya loogu toosin lahaa jidka nabada

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA  HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.