Video:-Maxay ku heshiiyeen Dowlada Puntland iyo Dowlada Fadaraalka Somaliya

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah iyo Golaha Wasiirrada dowlada Puntland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka oo uu shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qabsoomay Garowe.

Shirkan ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin; xoojinta midnimada, wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland iyo qodobo kale, waxaana lagu heshiiyay:

1- Waxaa la bogaadiyay wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland, waxaana la soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac.

2- Waxaa la isku afgartay in la baahiyo hannaanka afarta tubood (1- Tubta siyaasadda loo dhanyahay 2- Tubta amniga iyo caddaaladda 3- Tubta dhaqaalaha iyo 4- Tubta Arrimaha bulshada) oo ah hannaan ay xukuumadda federaalku ku shaqeyso si loo dardargeliyo dib u dhiska dalka.

3- Dardargelinta daadejinta nidaamka Federaalka iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo heshiisyada qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka.

4- In si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada dalka.
5- Golaha wasiiradu waxa ay aqbaleen in ay ka qayb qaataan dabbaaldegga munaasabadda 20 sano guurada ka soo wareegtay aasaaska Puntland oo la qaban doono 3da bisha Agoosto 2018.

6- Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda dawlad gobaleedka Puntland soo dhawaynta hufan ee loo sameeyay.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka