Dil ka dhacay Degmada Yaaqshid Ee Magaalada Muqdisho

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa Maanta xaafada suuq Bacaad ee degamda Yaaqshiid waxa ay ku dileen Nin la sheegay in qof kale uu ku toogtay gudaha degamda Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
 
Wasiirka Amniga Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa u sheegay in Ciidanka Amniga ay khaarajiyeen ninkaasi oo markii hore dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed, islamarkaana isla goobta uu dilka ka geystay ay ku toogteen ciidanku.
 
Waxa uuna sheegay in ninkaasi uu ka tirsanaa Al-Shabaab,balse markii uu dilka geystay,ciidamada dowladdu ay u suurtagashay in ay isna isla goobta ku dilaan.
 
Al-Shabaab dhankooda weli kama aysan hadlin Warka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee ku aadan in Nin ka tirsanaa lagu dilay Magalada Muqdisho ka dib markii uu dil geystay.