Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalada Mooyaale

Laga soo billaabo Axaddi aan soo dhaafnay magaalada Mooyaale waxaa ka socda dagaallo ay dhiig badan ku daateen. Sida ay dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamullada labada deegaan ee Soomaalida iyo Oroamada ay u sheegeen BBC-da dagaallada ku dhex maray magaalada Mooyaale labada qowmiyadeed waxaa ku dhintay 19 qof 102 kalana waa ay ku dhaawacmeen.
 
Shanu Godana oo ah la taliyaha dhinaca ammaanka oo ka tirsan maamulka Soomaalida ayaa wuxuu sheegay dhinaca Soomaalida iney ka dhinteen 13 qof 30 kalana ay ku dhaawacmeen dagaalladi maalmahan ka socday magaalada Mooyaale.
 
Madaxa xafiiska caafimaadka ee degmada Mooyaale ee maamulka Oromada Boro Huqa wuxuu isna BBC uu u sheegay iney dhinaca Oromadu ay ka dhinteen 6 qof 72 kalana ay dhawacmeen.
 
Wuxuuna Booruu uu intaa ku daray in dagaalka labada dhinac magaalada ku dhex maray ay hub culus iisu adeegsadeen.
 
Madaxa xisbiga Oromada ee degmada Mooyaale Cali Tache oo sheegay iney dagalladu dhaceen wuxuu Soomaalida uu ku eedeeyey iney dhul ballaarsi doonayaan.
 
Wuxuuna intaa ku daray Soomaalida dagaalka soo qaadday iney dooneyso magaalada iney xaruun gobol ka dhigtaan, cabashadoodana ka maamul oroma ahaan ay deegaanka iyo dowladda dhexeba cabashadooda gaarsiiyeen balse ay weli jawaab ka helin.
 
Inta ay dagaalladu socdeenna waxaa dhanka Oromada laga gubay ayuu yiri 2 qoloo ka tirsan dugsi waxbarasho halkaa ku yaalla iyo xaruun caafimaad.
 
Dhinaca kale mudana Shanu oo ka tirsan maamulka Soomaalida ayaa wuxuu sheegay iney Oromadu dooneyso dhul ballaarsi ayna dagaalka u soo qaadeen magaalada Mooyaale Soomaalida deggan iney ka saaraan oo ay sidaa dhul ballaadhsi ku sameeyaan.
 
Waxaana dhibaatada sii huriyey ayuu yiri dhulka ay labada deegaan isku haysteen oo ay qowmiyadda Oromada damacday iney calankeeda surato Soomaalidana ay ka hor timid rabitaanka Oromada sidaana uu dagaalka ku dhacay.
 
wuxuuna intaa raaciyey halka ay Oromadu damcday iney calankeeda suratana ma aha oo keli ah halki la isku hayey balse dhul ay soomaalidu leedahay oo maamul Soomaaliyeed uu ka dhisan yahay iney calanka Oromoda iney suraan isku dayeen.
 
Dagaallada qowmiyadda Soomaalida iyo oromada ku dhex mara magaalada Mooyaale oo soo noqonoqda xagga dowladda Itoobiya wax xal ah oo waara kama aysan gaarin.