Maxaa kala socotaa awoodaha lagu wareejiyay Madaxweyne Dani?

Si qurxoon oo aad ka dheehan karto nidaam soo jireen ah oo saldhigtay,ayaa loola kala wareegay awooda.


Madaxweyne Gaas oo maalmahan ku mashquulsanaa diyaarinta xil wareejinta,ayaa soo bandhigay xil wareejin aad loo soo diyaariyay.
Madaxweyne Gaas waxuu ku wareejiyay Madaxweynaha la doortay mudane Siciid Cabdullaahi Dani guud ahaan awoodihii Dowladnimo oo ay ka mid ahaayeen:-


Amniga”
B.Ciidamada Daraawiishta.

T.Ciidamada Kumaandooska.

J.Ciidamada Badda.

X.Ciidamada PSF

.Kh.Ciidamada Booliska.

D.Ciidamada Asluubta.

R.Ciidamada Sirdoonka.(PISA).

S.Ciidamada ilaalada Madaxtooyada.


Mashaariicda”
B.Dekeda Bosaso

T.Dekeda Garacad

J.Garoonka diyaaradaha Galkacyo.

X.Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Kh.Wadada Garowe-Galkacyo.

D.Wadada Garowe-Eyl.

R.Xarunta shirarka ee Madaxtooyada.


Sidoo kale waxaa Madaxweynaha la doortay lagu wareejiyay dhamaan Xogaha qarsoon iyo kuwa muuqda ee Dowlada Puntland.


Labada Marwo ee Madaxweynayaasha,ayaa sidoo kale iyaguna kala wareejistay furayaasha Qasriga ”Villa Puntland”.


isku soo wada duuboo xilwareejintu waxay u dhacday si waafqasan Dastuurka Puntland,waxayna ahayd mid soo jiidatay indhaha saxaafada caalamka .