Ganacsatada Qaadka iyo W.maaliyada Puntland oo muran xoog leh ka dhex taagan yahay

Madaxweyne Dani amarkii uu ku joojiyay guud ahaan go’aankii canshuur dhaafka ee Dowladii ka horaysay ay ku dhaqmi jirtay waxaa kasoo baxay guux iyo cabasho xoog leh.

Cabashada ugu badan waxay ka timid ganacsatada Qaadka ka keenta dalka kenya,kuwaasoo hada soo dhoobtay caasimada Puntland ee garowe si ay ula kulmaan Madaxweynaha iyo Wasaarada Maaliyada.

Maalmaha soo socoda,ayaa la ogaan doonaa natiijada wada xaajoodka labada dhinac.

Dhanka kale diyaaradihii qaadka keeni jiray Puntland waxay si toos ah ugu awreegeen garoomada diyaaradaha Laascaanood iyo Koonfurta Gaalkacy.
Qaadka,ayaa si hoose oo Gawaari lagu soo daabulayo waxa uu kusoo galayay maalmihii lasoo dhaafay gudaha Puntland,iyadoo uu camiran yihiin suuqyada Qaadka lagu iibsho.

Wareegto u soo saaray Madaxweyne Deni oo aan faahfaahina la socon balse lagu xusay in la joojiyey canshuur dhaaf la tilmaamay in loo samayn jiray ganacstada, hayadaha dawliga ah iyo kuwa madax bannaan oo kuwa caalamiga ahina ay ku jiraan ay sababtay ismaandhaafka taagan ee la kawsanyo hoggaanka cusub ee Puntland.


Dadka dhalliilaya maamulka,ayaa tallaabadan uu qaaday Madaxweyne Dani ku tilmaamay mid khasaaro u geysatay hay’adda Maaliyadda,sabatoo ah waxaa ka baaqday canshuurtii ka so xaroon jirtay Qaadka