Xisbiga Talada Deegaanka Somalida hogaamiya oo qorshaynaya in ay xilka ka qaadaan Madaxweyne Cagjar

Cagjar waxa uu golaha Wasiirada ee heer Deegaan u magacaabay badankood shaqsiyaad aanan afkaarta Xisbiga aaminsanayn,isla markaana ka tirsan Ururo aan dalka laga aqoon sanay.

Sidoo kale Mustafe waxuu umagacaabay la taliyayaal shakhsiyaad qurbajoog ah.

Wadashaqayntiisa Dawlada dhexe oo noqotay mid ismarin waa iyo isdhaga tir ku salaysan.

Arimahan aan kor kusoo xusnay ayaa ah kuwo ka hor imaanaya Dastuurka Dalka u yaala waxayna noqonaysaa qodob xadgudub dastuur iyadoo la iska garan hayo.

Hogaaminta xisbiga uu ugu horeeyo mudane Axmed shide,ayaa in badan isku dayay in uu Madaxwaynaha fahansiiyo qaatana mariinka siyaasadeed uu dalku marayo balse cagjar waa uu iska dhagatiray.
Waxaa dib loo dhigay shirwaynihii xisbiga maadaama aan wax laysla meel dhigin,

Madaxweyne Cagjar wada xaajood dheer oo dhexmaray isaga iyo Garabka kasoo horjeeda wali meeshiisii,ayaa taagan yahay.

Hadaba golaha dhexe ee Xisbiga oo eegaya xeer hoosaadka xisbiga u yaala ee lagu qaadi karo xubinka marka uu qaladaadkan oo kale uu galo,ayaa go’aan saday in Cagjar xilka laga qaado oo uu iskii isku casilo,halka ay xarunta dhexe ee EPRDF ay goob joog ahaayeen balse wuu la biya diiday.
Waxaa dhamaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga talada haya la iskugu yeeray Magaalada Addis-ababa si ay go’aan kooda usii wataan.

Maalinta jimcaha ee soo socota waxaa fariisan doona golaha dhexe ee xisbiga waxaana loo yeedhi doonaa madax wayne mustafe laguna qiimeyn doona kadibna xilka looga qaadi doonaa.

Maalinta bari ah waxaa soo gali doona magaalada Adis ababa raysal wasaare dr abiy lana kulmi doona golaha dhexe ee xisbiga.

Xigasho Mucaaradka Madaxweyne Cagjar.