Dowlada Somaliya oo looga fadhiyo in ay ka jawaabto hadalka Musafeni Ee bahdilka ku ah Qaranimada

Musafeni,ayaa yasay Somaliya marka la qiimeeyo sida uu uga maagtay in uu magac dhabo Dalalka kale ee aysan Dowladnimadoodu xoog badnayn,waxuuse ku dhiiraday in uu Somaliya magaceeda goobta ka sheego isagoon xeerinayn Diblomaasiyada ka xadiday Wadamada kale in uu soo qaato.

Madaxweyne Museveni dhowr jeer hore ayuu Somaliya tusaalooyin liita ugu soo qaatay goobo layskugu yimid oo ay tani ugu danbaysay.
Ilaa iyo hada Dowlada Somaliya kama aysan jawaabin hadalka Musafeni marka laga soo tago Warqad shaki laga muujiyay jiritaankeeda.


Warqadan shakigu ku jiro ee hab qoraalkeeduna hooseeyo,ayaa la sheegay in ay kasoo baxday Wasaarada arimaha Dibada Dowlada Fadaraalka Somaliya,waxaana ku qornaa in ay si buuxda xiriirka ugu jartay Dowlada Somaliya Dowlada Uganda,kadib hadalka gafka ah ee baalmarsan Diblomaasiyada kuna ah xadgudub Qaranimada Somaliya ee Madaxweynaha Uganda meel madal ah ka yiri.


Si kastoo Dowlada Uganada ay ciidamadeedu qayb uga yihiin hawlaglka AMISOM,hadana taasi uma jidaynayso Musafeni in uu Qaranimada Somaliya ilhaamayasto.