Axmed Shide oo soo gaaray Jigjiga

Guddoomiyaha Xisbiga talada Deegaanka Somalida haya Axmed Shide,ayaa maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garaad Wiil-Waal ee Magaalada Jigjiga.

Axmed Shide,ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxda u saraysa Deegaanka oo uu horkacayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar.

Axmed Shide, ayaa la filayaa in maanta galinka dambe kulamo la qaato madaxda Dowladda Deegaanka Soomaalida iyo odayaasha Deegaanka.

Mustafe Cagjar iyo Axmed shide,ayaa mudooyinkan danbe waxaa ka dhex taagnaa khilaaf xoog leh oo sababay in hakad ay galaan dhamaan hawlahii Maamulka. waxaana la filayaa in imaanshihiisa Jigjiga ee maanta uu muujiyo in uu soo afjarmay khilaafkaas.