Wararkii udanbeeyay magacaabista golaha Wasiirada cusub Ee Puntland

Waxay u badan tahay in Golaha Wasiirada cusub ee Puntland maalinka beri ah la shaaciyo.

Golahan,ayaa ka urursan Golihii ka horeeyay ee Xukuumadii Madaxweyne Gaas,waxayna ka koobnaan doonaan sida xoguhu tilmaamayaan 16-Wasiir,16-Wasiir ku xigeen iyo 4-Wasiiru Dowle.

Qoondada ugu fiican waxaa golahan ka helay Haweenka oo helay Laba Wasiir oo buuxa,laba Wasiir ku xigeen iyo hal Wasiiru-Dowle.

Sidoo kale bulshada Somaliyed ee kasoo jeeda Deegaamada Koonfur-galbeed,ayaa markii ugu horaysay helay xubin ka mid ah Golaha Wasiirada Dowlada Puntland waxayna heli doonaan Wasiir ku xigeen.

Waxaan wali cadayn qofka loo magacaabayo Wasiirka maaliyada,iyadoo kooxda Aaran-jaan ee doorka muhiimka ah ku lahaa guushii Madaxweyne Deni ay ku adkaysanayaan in ay helaan booskaas, halka beesha Cumar Maxamuud ay iyaduna ku adkaysanayso in ay awood qaybsiga awgii xaq uleedahay Wasiirkaas.

Waxaa la flli karaa in laba shaqsi mid uu noqdo Wasiirka Maaliyada,kuwaasoo kala ah Cabdisalaan Dheeliyo ama Dhabancad.

Isku soo wada duuboo waxaa la sugaa waa ku dhawaaqista Golaha oo xoguhu sii sheegayaan in laba jeer oo kala danbeeya lakala magacaabo.