Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmaya Addis Ababa.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lafilayaa in Maalmaha soo socda ay wada kulmaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu gaaro maanta Magaalada Addis ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, isagoona haatan ku sugan Dalka Jabuuti, kaddib markii uu soo gaba-gabeeyay booqasho uu ku joogay dalka Burundi, waxaana la filayaa in addis ababa ay ku kulmaan Madaxweynaha Somaliland.

Itoobiya ayaa casuumaad u fidisay labada Madaxweyne si halkaasi uu uga bilaawdo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad ku jira Sanadihii ugu dambeysay, waxaana Maanta oo Arbaco ah la filayaa in Madaxweynaha Somaliland uu u safro dalka Itoobiya.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii Madaxweytne Farmaajo la doortay 8-dii Febaraayo Sanadkii 2017.

Weli lama shaacin ajandaha rasmiga ah oo ay kulankooda uga hadli doonaan,hase yeeshee Somaliland ayaa tabashooyin farabadan ka qabta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxana Muuse Biixi uu horay ugu eedeeyay inay cunaqabateyn saartay.

Si kastaba, Dhowr jeer ayaa waxaa fashilmay wada-hadalada labada dhinac oo la qorsheynayay inay dib u bilaawdaan, kaddib markii Somaliland ay shuruud ku xirtay, waxaana la wada sugayaa natiijada kasoo baxda kulanka ay yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliland.

IDIL NEWS