Darteed waxaa ku Soo Muslimay Kun Qof WQ.Abdirizak Juba

Veronique Cools, oo ah 25-jir Muslimad ah oo u dhalatay dalka Belgium, waxay sabab u noqotay inay soo islaamaan 1,000 qof .

Veronique ayaa la sheegay inay Islaamtay iyadoo aad u da’ yar taasoo ay sabab ugu noqdeen saaxiibadeed Muslim ah iyo daraasad ay iskeed u samaysay, balse waxay gurigeeda u rogtey rug ay leeyihiin Musliimiinta Belgian.

Haweenaydan ayaa sheegtay inay dhib ku noqotay inay ka gudubto cuqdaddii ay Muslimiinta u qabtey markii ay daraasadaynaysay Islaamka, balse markii ay taasi dhacday ay sidoo kale ku guulaysatey inay soo Islaamiso xubnaha qoyskeeda dhow.

‘Cuqdadda iyo xumaanta lakala haysto waxay salka ku haysaa dadka oo aan si sax ah loo barin diinta Islaamka, balse waa inaan dadka u sharraxnaa Islaamka,’ ayay tiri Veronica oo u khidmaynaysa dad gurigeeda kusoo booqday.

Haweenaydan ayaa dadka ay soo Islaamisay waxay u badan yihiin haween reer Belgian ah kuwaasoo gaaraya ilaa 1,000 qof.