Wararkii ugu dambeeyay ee Dad loo xir-xiray Dilkii Caasho Ilyaas (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Howlgallo lagu baadi goobayo cidii ka dambeysay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aadan, ayaa weli ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay 4 Ruux oo lagu tuhmayo inay qeyb ka ahaayeen Falkan arxan darada ah ee lagula kacay Caasho Ilyaas oo aheyd 12 sano jir, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobalka Mudug C/qaadir Xuseen Nuur-dirir.

Sidoo kale, Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Degmada Gaalkacyo, ayaa saaka amartay in gacanta lagu soo dhigo Gaari Sumadiisu ay tahay GG-682, kaas oo la tuhunsan yahay in lagu keenay Meyka Gabadha.

Warar ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegaya in Baaritaano ay sameeyeen Guddi Dhakhaatiir ah lagu ogaaday in Gaboodh falada ka dhanka ah Aadamaha ee loo geystay Caasho Ilyaas ay ka dambeeyeen Lix Nin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in laamaha dambi barista Gobalka Mudug, ay haatan wadaan Baaritaanadii ugu dambeeyay ee Dilkan, Iyadoona ay bar-bar socdaan Wareysiyo lala yeelanayo kooxaha haatan loo hayo inay qeyb ka yihiin Falkan.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS