Somaliland oo War kasoo saartay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Abiy.

HARGEYSO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Somaliland ayaa looga hadlay kulankii shalay ku dhex maray Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay in Madaxweyne Farmaajo uu garwaaqsaday kaalinta Somaliland kaga jirto arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba, isla Markaana uu Aqbalay in aanu Soo Faro Galin Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa isku afgartay xaqiijinta xiriirka Somaliland ee taageerada Nabadda Gobolka.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu socdaal ku tagay Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Iyadoona qoraal xilligaas kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya lagu bogaadinay waxyaabihii kasoo baxay kulankaas.

IDIL NEWS